Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Kulan Mihiim ah La Qaatay Haldoorka, Waayeelka, Aqoonyahanka iyo Hoggaanka Dhaqanka Beelaha Warsangeli
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa caawa magaalada Ceerigaabo kulan miisaan leh la yeeshay Haldoorka, Waayeelka, Aqoonyahanka iyo Hoggaanka Dhaqanka Beelaha Warsangeli, kuwaas oo uu hoggaaminayay Suldaanka Guud ee Beelaha Warsangeli, Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali Shire.
Kulankaasi oo ku salaysnaa kalsooni, is-qaddarin iyo wadatashi qaran ayaa lagaga hadlay arrimo muhiim ah oo dalka khuseeya, sida xoojinta nabadda, midnimada ummadda, wada-noolaanshaha bulshada magaalada Ceerigaabo, iyo kaalinta beesha Warsangeli ee dhismaha iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay Suldaanka Guud iyo madax-dhaqameedka kale ee doorka taariikhiga ah ku leh ilaalinta nabadda iyo wadajirka bulshada gobolka Sanaag, isaga oo xusay in nabaddu iyo midnimadu yihiin hantida ugu qaalisan ee ay bulshadu wada leedahay.
Waxa kale oo uu xusay in xukuumaddiisu ay si buuxda u qadarinayso kaalinta beesha Warsangeli ee dhismaha Qaranka, isla markaana muhiimad gaar ah siinayso in talada dalka lagu saleeyo wadatashi, cadaalad iyo kalsooni.
Dhinacooda, haldoorka iyo labeenta beesha Warsangeli ee kulanka ka qaybgalay ayaa si diirran u soo dhaweeyay Madaxweynaha, iyaga oo bogaadiyey hoggaamintiisa furan iyo dadaallada uu ku xoojinayo nabadda iyo midnimada gobolka Sanaag.
Sidoo kale, beesha Warsangeli waxay muujisay taageero buuxda oo ay u hayaan qaddiyadda iyo jiritaanka qarannimada Somaliland, waxayna ballanqaadeen inay door muuqda ka qaadan doonaan nabadda iyo horumarka dalka.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland






