https://www.premierbank.so/

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo si rasmi ah u soo xidhay Shirka Nabadda ee Beelaha Gobolka Sanaag

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta si rasmi ah u soo xidhay Shirka Nabadda ee beelaha Gobolka Sanaag, kaas oo maalmahan ka socday magaalada Ceerigaabo, islamarkaana lagu gaadhay heshiis qaran, is-afgarad iyo isu-soo dhowaansho taariikhi ah.

Madaxweynuhu waxa uu madasha ka jeediyay khudbad dardaaran, duco iyo yididiilo xambaarsan, isaga oo beelaha gobolka Sanaag ku dhiirrigeliyay in ay xoojiyaan midnimada, is-qaddarinta iyo ilaalinta nabadda, taas oo uu ku tilmaamay aasaaska jiritaanka Qaranka Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah u bogaadiyay haldoorka, waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kale ee bulshada reer Ceerigaabo, kuwaas oo door weyn ka qaatay hirgelinta nabaddan. Waxa uu xusay in Xukuumadda uu hoggaamiyo ay ka goโ€™an tahay ilaalinta wadajirka, nabadda iyo horumarka gobolka Sanaag.

Shirka nabadda ayaa lagu soo afmeeray jawi walaaltinimo iyo is-faham, waxaana uu tusaale u yahay sida Somaliland ay khilaafaadkeeda ugu xalliso si nabad ah, iyadoo la adeegsado wada-hadal iyo isu-tanaasul.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland