Guddida gogosha nabadda ee Ceerigaabo ayaa maanta si rasmi ah u soo afjartay dhammaan kiisaskii dhiigga ahaa ee aan hore loo xallin, ee ka jiray degmada Ceerigaabo.
Wadahadalladii ugu dambeeyay ee dhexmaray labada beelood ee walaalaha ah — Bahwadaag Bahogayslabe (Warsangeli) iyo Cabdalle Xaamuud (Muuse Ismaaciil) — ayaa maanta laga gaadhay heshiis buuxa.
Heshiiska ayaa lagu xalliyay dilka Marxuum Axmed Cabdi Cumar (Hadal-yare), oo lagu dilay magaalada Ceerigaabo 29 October 2024.
Guddidu waxay si hufan, dulqaad leh, iyo dadaal muuqda uga dhex shaqeysay labada dhinac, waxaana laga gaadhay heshiis rasmi ah oo meesha ka saaraya dhammaan tabashooyinkii iyo colaaddii hore.
Guddidan, oo muddo afar toddobaad ah ku hawlanayd dhexdhexaadinta beelaha, ayaa kulamo isdaba joog ah la qaadatay dhinacyada, si xal waara loo gaaro.
Gogosha nabadda oo uu hormuud ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah loo furi doonaa maalmaha soo socda, taasoo gundhig u noqon doonta nabad waarta iyo xasillooni ka hanaqaadda gobolka.
Guddida iyo waxgaradka deegaanka waxay ku boorriyeen shacabka gobolka Sanaag in ay ilaaliyaan nabadda, walaaltinimada, iyo xasilloonida.
Sidoo kale, guddidu waxay u mahadnaqday dhammaan cid kasta oo muujisay dulqaad, tanaasul, iyo biseyl siyaasadeed. Waxay si gaar ah ugu hambalyeysay shacabka, culimada, haweenka, aqoonyahanka, iyo odayaasha dhaqanka ee door muuqda ka qaatay hirgelinta heshiiskan taariikhiga ah.
Ugu dambeyn, waxaan u rajaynaynaa dhammaan shacabka gobolka Sanaag iyo guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland nabad, barwaaqo, walaalnimo, iyo horumar joogto ah.






