Kulankan oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Guddida, Md. Maxamed Jaamac Liibaan, waxa ka qayb-galay xubno ka tirsan guddida. Arrimaha ugu muhiimsan ee la falanqeeyay waxa ay ahaayeen labada xeer ee kala ah:
- Xeerka Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka (Xeer Lr. 76/2016)
- Xeerka La-dagaallanka Musuqmaasuqa (Xeer Lr. 38/2007)
Labadan xeer ayaa ka mid ah shuruucda aasaasiga ah ee nidaamiya isla xisaabtanka hayโadaha dawladda, ilaalinta hufnaanta maaliyadeed, iyo ka hortagga falalka musuqmaasuqa.
Dhanka kale, Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, Md. Muuse Yuusuf Cismaan (Idigaa), ayaa kulanka keenay talooyin iyo soo-jeedinno muhiim ah oo ku saabsan wax-ka-beddelka iyo horumarinta xeerarkan, si loo waafajiyo duruufaha casriga ah iyo baahiyaha maamulka ee dalka ka jira.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la is-dhaafsado aragtiyo iyo talooyin la xiriira labada xeer, iyadoo Guddidu gacanta ku hayso hawsha dib-u-eegista, diyaarinta iyo soo-gudbinta talooyinka ku habboon.
Kulankan waxa uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Golaha Wakiillada ee lagu xoojinayo isla xisaabtanka, daah-furnaanta, iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa โ kuwaas oo ah tiirarka ugu muhiimsan ee maamulka dawladeed ee hufan iyo ilaalinta hantida guud ee qaranka.