Shirkan waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska iyo Xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa (British Office Hargeisa), wuxuuna qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo isu-socodka ganacsiga iyo ka faaโiidaysiga Dekedda Berbera.
Shirka waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan, iyo Mr. Chris Pycroft, Agaasimaha Horumarinta ee FCDO. Masuuliyiintan ayaa si isku mid ah hoosta uga xariiqay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta iyo hirgelinta qorshayaal lagu dardargelinayo isticmaalka Dekedda iyo Marin-Ganacsiyeedka Berbera.