https://www.premierbank.so/

Abbaanduulaha Koowaad ee Ciidanka Qaranka JSL, S/Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale, iyo hoggaan ka socday Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka, ayaa tababar u soo afmeeray sagaal injineer oo hore uga soo qalin jabiyay jaamacadaha dalka Itoobiya, kuna maqnaa muddo lix sano ah.

Injineeradan ayaa dib u qaatay tababar socday muddo hal sano ah, kaas oo ay ku qaadanayeen Kuliyadda Saraakiisha ee Cabdillaahi Askar, halkaas oo ay maanta ka qalin jabiyeen.

Abbaanduulaha ayaa kula dardaarmay in ay Qarankooda ugu adeegaan si daacadnimo iyo hufnaan leh, isagoo sidoo kale u bushaareeyay Layli-saraakiil kale oo tababar ku qaadanaya Kuliyadda Cabdillaahi Askar in ay dhawaan qalin-jabin doonaan.