https://www.premierbank.so/

Xafladda Xadhig-ka-jarka Dhismaha Cusub ee Cisbitaalka Dhimirka Berbera

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa maanta si rasmi ah xadhigga uga jaray dhismaha cusub ee Cisbitaalka Dhimirka ee magaalada Berbera.

Munaasibadda xadhig-ka-jarka ayaa waxa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Maareeyaha Dekedaha JSL, Badhasaabyada Gobollada Saaxil iyo Togdheer, Agaasimayaal Guud, Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Maanka, dhakhaatiir, masuuliyiin kale iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

Masuuliyiintii halkaasi ka hadlay ayaa si qotodheer uga warramay muhiimadda uu leeyahay dhismahan cusub iyo sida uu door weyn ugu yeelan doono horumarinta adeegyada caafimaadka dhimirka ee bulshada gobolka Saaxil iyo guud ahaan dalka.

Wasiirka oo xadhigga si rasmi ah uga jaray dhismahan cusub, ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad uu kaga warramay doorka iyo dadaalka ay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku ku bixisay ballaadhinta iyo tayaynta adeegyada caafimaadka dalka, gaar ahaan kuwa la xidhiidha daryeelka caafimaadka dhimirka.

Dhismahan cusub oo ku kacay lacag dhan nus milyan dollar ($500,000) ayaa ka kooban:

Qaybta ragga: 26 qol

Qaybta dumarka: 12 qol

Qolalka shaqaalaha kalkaaliyayaasha: 6 qol

Qolalka dhakhaatiirta: 3 qol

Farmasi

4 xafiis maamul

Hool shirarka

Jiko (kitchen)

Bakhaar (store)

18 musqulood

Qolka gaadhka

Cisbitaalkan cusub ayaa noqon doona tiir muhiim u ah bixinta adeegyo caafimaad oo tayo leh, isla markaana wax weyn ka tari doona daryeelka caafimaadka dhimirka ee bulshada Jamhuuriyadda Somaliland.