https://www.premierbank.so/

Maanta oo ay taariikhdu tahay 16-ka September 2025, waxa hoolka shirarka ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda Jamhuuriyadda Somaliland si rasmi ah loogu kala saxeexday heshiiska hirgelinta dhismaha Xarunta Kaydka Xogta Qaranka (National Data Center).

Heshiiskan waxa si wadajir ah u saxeexay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda JSL, Mudane Maaliki Cabdi Xasan, iyo Mr. Jerry Liao, oo ah Madaxa Taiwan Technical Mission (TTM), iyagoo muujiyay in heshiiskani yahay iskaashi muhiim u ah horumarinta adeegyada dijitaalka ee dalka.

Munaasabaddan waxa goob-joog ka ahaa:

  • Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda, Axmed Carab Muuse
  • Vivienne Wang, khabiir ka tirsan Taiwan ICDF
  • Agaasimaha Waaxda Dhismaha ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta, Mustafe Carab
  • La-taliyayaal iyo Agaasime-waaxeedyo ka tirsan Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda JSL.
    Xaruntan cusub ee Kaydka Xogta Qaranka (National Data Center), oo ay si wadajir ah u fulinayaan Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda iyo Taiwan ICDF, waxay noqon doontaa tiir muhiim u ah ilaalinta, kaydinta iyo maamulka xogaha dawliga ah, taas oo yareyn doonta ku-tiirsanaanta adeegyada dibedda (Third Parties) isla markaana xoojin doonta isku-filnaanta xogeed ee Qaranka JSL.