https://www.premierbank.so/

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐ช๐š๐š๐ซ ๐ค๐š ๐ฆ๐ข๐ ๐š๐ก ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐š ๐๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง ๐ž๐ž ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š ๐‰๐’๐‹

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay qaar ka mid ah Madaxda Hayโ€™adaha Madaxa Bannaan ee Qaranka JSL, isaga oo kala hadlay habsami-u-socodka shaqooyinka iyo dardar gelinta hawlaha muhiimka ah ee ay Qaranka masuulka uga yihiin.

Kulankaa isaga ah, Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xariiqay in Hayโ€™adaha Madaxa Bannaan ay door muhiim ah ku leeyihiin Dhismaha Dawladnimada iyo daah-furnaanta Maamulka, kor u qaadista isla xisaabtanka, ilaalinta shuruucda dalka, iyo tayaynta adeegyada muhiimka u ah nolosha bulshada.

Madaxweynaha ayaa Madaxda Hayโ€™adaha Madaxa Bannaan ku boorriyey in ay si buuxda uga shaqeeyaan waajibaadkooda Qaran, isla markaana ay bulshada JSL ugu adeegaan Daacadnimo, Xilkasnimo, Hawlkarnimo, hufnaan iyo eex la’aan.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡