Wasiirka Waxbarashada Oo Qado-sharaf Ku Martiqaaday Kulanka Nabadda Ee Gobolka Sanaag
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ayaa maanta magaalada Hargeysa ku martiqaaday qado-sharaf uu saldhig u ahaa kulan lagaga hadlayay xoojinta nabadda iyo wadajirka gobolka Sanaag.
Kulanka ayaa waxa ka soo qayb galay madax-dhaqameed, Xildhibaano, Agaasimayaal Guud, Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, aqoonyahan iyo masuuliyiin kale oo heer qaran iyo heer gobol ah.
Ujeeddada shirkan ayaa ahayd sidii loo adkayn lahaa nabadda gobolka Sanaag, loona gogol xaadhi lahaa wada-hadal iyo isu-tanaasul horseeda midnimo iyo wadajir bulshada deegaanka.
Sidoo kale, kulanka waxa si gaar ah diiradda loogu saaray muhiimadda nabadgelyada gobolka Sanaag, gaar ahaan magaalada Ceerigaabo oo ah xarunta gobolka, taas oo lagu tilmaamay in ay tahay furaha horumarinta iyo xasiloonida bulshada.
Kulanka qado-sharafta ah ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad iyo taageero guud oo ku aaddan in la joogteeyo wada-tashiyada nabadeed ee gobolka Sanaag.






