Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL oo booqday Safaaradda Somaliland ee dalka Itoobiya
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Oo safar shaqo ku jooga magaalada Addis Ababa, ayaa booqasho sharafeed ku tagay Safaaradda Somaliland ee Itoobiya.
Wasiirka waxa ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka, xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada JSL, iyo masuuliyiin kale.
Intii ay joogeen safaaradda, waxa ay la kulmeen Safiirka Somaliland ee Itoobiya, Amb. Aadan Geedi Qayaad, kaas oo la wadaagay xog ku saabsan xidhiidhka iyo iskaashiga sii kobcaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.
Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL ayaa ku bogaadiyey safiirka dedaallada uu qaranka u hayo, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta xidhiidhka ganacsi iyo diblomaasiyadeed ee labada dal.
Booqashadan ayaa qayb ka ah hawlaha shaqo ee wasiirka ku saabsan kobcinta xidhiidhka gobolka iyo horumarinta danaha Somaliland ee Itoobiya.






