https://www.premierbank.so/

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Kormeer Shaqo ku Tegay Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka JSL

Hargeysa – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Cirro), ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland.

Kormeerkan ayaa ahaa mid uu Madaxweynuhu ugu kuurgalayay habsami-u-socodka shaqada ciidanka, isagoo si toos ah warbixin uga dhegaystay Taliyaha Ciidanka Qaranka, Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan (Gaaxnuug), iyo saraakiisha sare ee taliska.

Intii uu ku sugnaa xarunta, Madaxweynuhu waxa uu ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee ciidanka, baahiyaha jira iyo qorsheyaasha lagu horumarinayo. Waxa uu sidoo kale caddeeyay in kulamada noocan oo kale ah ay noqon doonaan kuwo joogto ah.

Madaxweyne Cirro ayaa ammaanay doorka adag ee Ciidanka Qaranku ka qaataan difaaca dalka iyo ilaalinta shacabka, isaga oo sheegay in ciidanku yahay tiirka ugu weyn ee qarannimada Somaliland. Waxa uu carabka ku adkeeyay in la dardargelin doono tababarrada iyo qalabaynta casriga ah ee ciidanka si loo ilaaliyo kalsoonida shacabka iyo u gudashada waajibaadka dastuuriga ah.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa shaaciyay in dhawaan la bilaabi doono mashruuca dhismaha guryo loogu talagalay Ciidanka Qaranka, arrintaas oo qayb ka ahayd ballanqaadyadiisii ololaha doorashada. Waxa uu intaa ku daray in la dallacsiin doono saraakiisha u gudbay mudada ay xaqa u leeyihiin dallacaadda.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay saraakiil ciidan oo tababbaro kala duwan kusoo qaatay dalka dibeddiisa.

Kormeerkan ayaa muujinaya sida uu Madaxweynaha Somaliland mudnaanta koowaad u siinayo dhismaha ciidan qaran oo casri ah, lehna awood buuxda oo lagu sugo amniga iyo difaaca dalka.

ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland