Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Ka Qayb Galay Xafladda Qalin-jabinta Dufcaddii 22-aad ee Jaamacadda Hargeysa
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta ka qayb galay xafladda qalin-jabinta Dufcaddii 22-aad ee Jaamacadda Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu halkaas khudbad qiimo leh uga jeediyey ardayda qalin-jabinaysay, isagoo ku bogaadiyey guusha ay gaadheen.
Madaxweyne Cirro waxa uu hambalyo iyo bogaadin u diray ardayda, macallimiinta, waalidiinta iyo maamulka jaamacadda, isaga oo guushan ku tilmaamay mid ka dhalatay dadaal, halgan iyo dulqaad dheer.
Sanadkan waxa Jaamacadda Hargeysa ka qalin-jabiyey 1,355 arday, oo isugu jira heerarka koowaad iyo labaad. 703 (52%) waxay ahaayeen hablo, halka 652 (48%) ay ahaayeen wiilal.
Madaxweynuhu waxa uu ammaanay kaalinta Jaamacadda Hargeysa ee horumarinta aqoonta iyo adeegga bulshada, isagoo ku tilmaamay tiir qaran oo kobciya cilmi-baadhista iyo soo saarista jiil aqoon iyo xirfad leh.
Sidoo kale, waxa uu xusay muhiimadda ay cilmi-baadhistu u leedahay mustaqbalka Somaliland, isagoo carabka ku adkeeyay in Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ay si joogto ah u taageerayso mashaariicda cilmi-baadhista iyo hal-abuurka aqooneed ee jaamacadaha dalka.
Madaxweynuhu waxa uu ardayda ku dhiirrigeliyey in ay aqoontooda ugu adeegaan Qarankooda, kaalinna ka qaataan horumarinta dalka, abuurista shaqooyin iyo hal-abuur wax ka beddeli kara caqabadaha haysta dhalinyarada Somaliland.
Ugu dambayn, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu ardayda qalin-jabisay u diray dardaaran waalidnimo oo uu kula dardaarmay in ay ka fogaadaan balwadaha, qabyaaladda, iyo wax kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo wadajirka shacabka Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland






