https://www.premierbank.so/

Wasiirrada Ganacsiga Somaliland iyo Jabuuti oo yeeshay Kulan Ku Dheeraday Xoojinta Iskaashiga Ganacsi iyo Dalxiis

Hargeysa – 26 Agoosto 2025:*
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa maanta si diirran ugu soo dhaweeyay xafiiskiisa Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Maxamed Warsame Diiriye, iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayay.

Kulanka labada wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa isu socodka ganacsiga, maalgashiga, iyo dalxiiska. Waxa ay sidoo kale ka wada hadleen fursadaha iskaashi ee dhinacyada dhaqaalaha, suuq-geynta, iyo fududeynta ganacsiga xuduudaha labada waddan.

Wasiir Cabdiraxmaan Xasan Nuur ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la helo iskaashi istaraatiiji ah oo waara, isaga oo tilmaamay in xiriirka ganacsi ee Somaliland iyo Jabuuti uu ku dhisan yahay derisnimo, taariikh, iyo dano dhaqaale oo la wadaago.

Wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay diyaar u tahay in ay sii xoojiso wada shaqaynta, is-dhaafsiga ganacsi, iyo horumarinta isku socodka shacabka labada dal, si loo abuuro fursado shaqo, koboc dhaqaale, iyo horumar wadajir ah.