Hargeysa, Somaliland – Fadhigii maanta ee Golaha Wakiillada oo lagu waday in lagu ansixiyo Xeerka Rahanka ayaa baaqday, kadib markii xildhibaanno badan ay diideen wax ka beddel lagu sameeyay xeerkan oo muddooyinkii u dambeeyay horyaallay golaha.
Xildhibaan Ku Caddeeya ayaa sheegay inaan la aqbali karin wax ka beddelka lagu sameeyay xeerkan, isaga oo ku baaqay in goluhu dib ugu noqdo xeerkii asalka ahaa ee xukuumaddu u soo gudbisay.
Dhankiisa, xildhibaan Axmed Nuur Guruje ayaa sheegay in xeerkan si qaldan loo maamulay isla markaana aan lagu ansixin karin qaabka uu hadda u yaallo.
Garyaqaanka Golaha, Mubaarak Cabdi, ayaa sharaxay qaabka loo raacay wax ka beddelka, isagoo tilmaamay in xeerkan si gaar ah ula xiriirayo bangiyada. Wuxuu intaas ku daray in la tixgeliyay waxa rahanka geli kara, isla markaana laga saaray qodobo uu ku tilmaamay kuwo aan muhiim ahayn.
Ugu dambayntii, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa faray in la is barbar dhigo xeerkii hore iyo kan wax ka beddelka lagu sameeyay, waxaana lagu ballamay in berri mar kale la horgeeyo xildhibaannada si ay uga doodaan una ansixiyaan.
Xeerka Rahanka waxaa loo arkaa mid muhiim ah oo kaalin weyn ka qaadan kara nidaamka bangiyada iyo horumarinta dhaqaalaha Somaliland, maadaama uu ballaadhin karo helitaanka amaah iyo maalgelin.






