https://www.premierbank.so/

Gaadhi duulayaa oo sameeyay duulimaadkii 1aad ee u dhexeeya laba madaar oo caalami ah.

Gaadhi-Diyaaradeedkii ugu horeeyey isugu jira Gaadhi & Diyaarad ayaa isniintii u kala duulay laba Madaar oo caalami ah.
Gaadhigan tijaabada ah ayaa sameeyay duulimaad qaatay 35 daqiiqadood inta u dhaxaysa madaarada NITRA iyo Baratislaafa ee dalka Slovakia.

Gaadhi-Diyaaradeedkan oo looga yeedho AIRCAR, ayaa ku shaqaynaya mishiin ay samaysay shirkadda BMW, ayaa isticmaalaya Shidaal Batrool oo caadi ah.
Ninka sameeyay Gaadhi-diyaaradeedkan oo lagu magacaabo Stefan Kelin, ayaa sheegay in uu awoodo duulimaad gaadhaya 1000km oo fogaan ah iyo Joog gaadhaya 2500 oo mitir.
Gaadhi-diyaaradeedkan ayaa si fudud isugu bedeli kara Gaadhi marna diyaarad, waqti kooban oo 2 daqiiqadood ah.

Prof Stefan Klein ayaa kaxeeyey duulimaadkan 1aad iyadoo ay daawanayaan koox weriyayaal ah. Mudane Klein ayaa sheegay in duulimaadkaas ahaa mid si wacan u gu soo dhamaaday kuna tilmaamay mid xiiso lahaa. Sidoo kale waxaa la sheegay in gaadhi-diyaaradeedkani ee Muunadda ahi qiimahiisu ku kacay lacag ka badan 2milyan oo doolar, uuna qaadi karo 2 qof oo culays gaadhayo 200 oo kilogram, isagoo ku duulikara xawaare gaadhaya 170km/saacaddii.

Khubarada Ganacsiga & tiknoolojiyadda ayaa saadaalinaysa in suuqweyni ku jiro samaynta gawaadhida duusha, la filayo inay gaadho in ka badan 1 trillion oo doolar sanadka 2040ka.
Dhinaca kale waxaa weli waxaa walaac laga qabaa bedqabka gaadhi-diyaaradeedkan iyo dadka caadiga ahi maaraynkaraan duulimaadyada noocan oo kale ah.

https://www.premierbank.so/