https://www.premierbank.so/

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qabanaya Shir loo Lagaga Ariminayo Dorashooyinka Dalkasi

Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii ay Djibuuti uga qeyb galeen caleemosaarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Ra’iisul waasaraha Somaliya ayaa kulamo gaar ah la qaatay Madax ka tirsanaa Wadamada Afrika iyo kuwa Caalamka ee ka qeyb galay Caleema saarkii Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dib loogu doortay doorashooyinkii ka dhacay dalkaas 23 April 2021.

Reysul wasaaraha soomaaliya ayaa sheegay in dalka soomaaliya Doorasho aadayo, Isla markaan 20ka Bishaan uu Qansoomaayo Shirkii Loo madalayo sidii Xal looga Gaari lahaa  Arimaha Doorashooyinka Soomaaliya.

Dhanka kaleMidowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa walaac ka muujiyay dhex-dhexaadnimada Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ee Arrimaha doorashooyinka dalka ee uu khilaafka ka taagan yahay.

Musharaxiinta ayaa sheegay inay ka shakisan yihiin qaabka uu Ra’iisul Wasaare Rooble ku wajahayo arrimaha doorashada dalka, iyagoona sheegay inay ka cabsi qabaan in Rooble uu u nuglaado cadaadisyo kaga imaanayo dibadda.

Sidoo kale Midowga Musharaxiinta oo Qoraal ay soo saareen u diray Beesha Caalamka ayaa Ra’iisul Wasaaraha ugu baaqay inuu muujiyo dhex-dhexaadnimo, isla markaana joojiyo safarada uu ku aadayo dibadda oo ay ku tilmaameen waqti lumis.

Musharaxiinta ayaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ka dalbaday inuu ka shaqeeyo sidii loo bilaabi lahaa hanaanka doorasho loo dhan yahay, isla markaana cadaalad ku saleysan.

Khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa ayaan welin la xalin, waxaana socda qorshe lagu xaliyo khilaafka jira, iyadoo dhawaan Muqdisho lagu qaban doono Shir ay isugu imaanayan Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada.

https://www.premierbank.so/