https://www.premierbank.so/

Xisbiga Waddani oo Eedayn u Diray Mayarka Casimada Hargaysa

Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa maayirka caasimadda Hargeysa ku eedeeyey dhul dan guud ah oo ku yaala xaafada xeedho ee degmada ibraahim koodbuur ee hargeysa inuu siiyey jaamacad gaar ah.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Maroodi Jeex ee xisbiga Waddani Wali Cabdi Jaamac oo Salaasada 11ka May warbaahinta kula hadlay xarunta xisbiga ee gobolka Maroodi Jeex ayaa nasiib daro ku tilmaamay in maayirka caasimadu sifo sharci daro ah dhul 50 baloodh oo dan guud ah siiyay jaamacada Admas fareecada Hargeysa sida u hadalka u dhigay.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa maayirka ku dhaliilay in dhulkaasi u bixiyey u yahay dhul badan islamarkana dadka xaafadaasi degan ay baahi wayn u qabaan inay uga faaidaystaan goobo looga dhiso sida caafimaad,dugsiyo iyo sidoo kale goobo dhalinyaradu ku ciyaarto kuwaasi oo u xusay in aanay degmada ibraahim koodbuur lahayn.

Mudane Wali Cabdi Jamaac ayaa sidoo kale sheegay in jaamacada Admas tahay jaamacad laga leeyahay dalka Itoobiya dhulka la siinayay ay ka mudan yihiin kuwa dalka laga leeyahay in la siiyo, isagoona sheegay in aanu jaamcadan si gaar ah u diidayn balse xaqiiqada u tahay in mudnaanta la siiyo kuwa dalka laga leeyahay.

Dhinaca kale gudoomiye wali ayaa madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ugu baaqay inuu soo farogaliyo dhulkaasi danta guud ah, si u wax u qabto.

Ugu danabayn maamulka jaamacada Admas oo aanu la xidhiidhanay ayaa noo suurogalin in aanu wax ka waydiino dhaliilaha xisbigu usoo jeediyey ee ku saabsan dhulka danta guud ah ee la siiyey.

https://www.premierbank.so/