https://www.premierbank.so/

Madaxwaynaha Jubaland Axmed Madobe oo Kulan la Qaatay Saraakiil ka Tirsan Cidamada Maraykanka

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay sarakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka ee ka howlagala Soomaaliya, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland.

Kulankaas ayaa ka dhacay xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo, waxaana Madaxweyne Axmed Madoobe ku wehliyayย  ย Taliyaha guud ee ciidamada Jubbaland S/Guuto Maxamed Cabdi Sheekh oo ah taliya guud ee ciidamada Jubalandย  iyo ku xigeenkiisa gashaanle sareย  Maxamed Guuleed Xasan.

Qoraalkan oo lagu daabacay barta xidhiidhka bulshada ee madaxtoyada Jubaland ayaa lagu yidhi โ€œKulankaan waxaa lagaga hadlayay sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo iskaashi buuuxa laga samaynayo sidii loo dardar galin lahaa howlgallada ka dhanka ah Waxa Loogu Yeero Argagixisada Sidda Lagu Sheegay Qoraal Ay Maadxtooyada Jubalandย  ayย  Soo Saartay.

Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM qeybtiisa Soomaaliya ayaa inta badan duqeymo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka geysta deegaanada Jubbaland oo kooxdu ay inta badanย  ku xoogantahay.