https://www.premierbank.so/

Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah u daahfurtay wajigii koowaad ee kaalmaynta dadka danyarta ah

ee uu saamaynta xooggan ku yeeshay faafitaanka xunuunka Coronavirus iyo go’aamada ay dawladdu soo rogtey si loo xakameeyo xanuunka.

Wajiga koowaad ee taakulaynta dadka danyarta ahaa ayaa Guddiga heer qaran ee COVID19 iyo guddiga qaadhaan ururintu waxay ku bilaabeen kaalmaynta macalimiinta wax ak dhiga dugsiyada quraanka kariimka ah lagu barto ee ku yaala gobolka Maroodi-jeex.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland ahna gudoomiyaha guddiga heer qaaran ee Coronavirus ayaa sheegay in taakuladan oo ka kooban dhamaan raashinka qoysasku qaataan ay gaadhsiinayaan 12910 qoys.

Waxaana uu madaxwayne ku xigeenku Gudoomiyayaasha Gobolada Dalka Ugu Baaqay Inay Ka Qayb Qaataan Caawimada Dadkooda Oo Ay Qaadhanka Kazoo Guraan Ganacstada Si culayska Xilka Looga Dul Qaado Caasimada Sida U Hadalka Udhigay.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Ayaa Warbaahinta La Hadlay Ayaa Sheegay In Raashinkani Ay Iska Kaashadeen Xukuumada Iyo Ganacstada Somaliland Waxanu Tilmaamay In

https://www.premierbank.so/