Xisbiga Mucaridka Ah Ee Waddani Ayaa Markii Ugu Horaysay Taageeray Olalaha Baaq Shacab Ee dhawaan ku Dhawaaqeen Dhalinyaro Iyo Aqoonyan reer Somaliland
By Hussein Jama
May 26, 2020
0 Comments
Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi Looge Oo 26ka May Warbaahinta Kula Hadlay Magalada Hargeysa Ayaa Sheegay In Dhalinyarada Somaliland Xaq U Leeyihiin Inay Ka Hadlaan Kana Doodaan Xaalada Dalka waxa u Qabsoomay Somaliland Mudadii ay Jirto iyo waxa Loo Baahan yahay In Haatan Wax Ka Bedel Lagu Sameeyo.
Xoghayaha Xisbiga Waddan Waxa Kale Oo u Sheegay In Dhismaha Dawladnimo ee Somaliland uu Istaagay marka Laga eego 16kii Sano ee ugu Horeeyey isaga oo inta ku Daray in uu Hoos u dhac Wayni ku Yimi Nidaamka Dawladnimo ee Dalka.
Waxanu Nasiib Daro Ku Tilmaamay In Dhalinyaradii Ka Hadashay Ololaha Baaq Shacab Ay Xukuumadu Ku Tilmaamtay Ku Geftay Arintaas Oo U Sheegay In Xukuumada Looga Fadhiyo Inay Raaligalin Ka Bixiso.
Dhinaca Kalena Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani Waxa U Madaxweynaha Somaliland Ugu Baaqay Inuu Ka Jawaabo Cabashada Gobolada Dalka Kasoo Yeedhaysa Ee Caafimaadka,Faqriga Iyo Shaqo La’aanta U Sababay Xanuunka Corono Viruis Iyo Sidii Loola Xisaabtami Lahaa Gudidda Korono Viruis Oo U Tilmaamay In Lacag Badan Loo Dhibay Islamarkana Ay Ku Fashilmeen Shaqadii Ay Qaranka U Hayeen.