https://www.premierbank.so/

Xuutiyiinta Yaman oo Taageero u Muujiyay Iiraan, Laakin Aan Wali Wax Weerarin

Kooxda Xuutiyiinta Yaman ay si rasmi ah u muujisay taageerada ay u hayaan Dalka Iiraan kaddib duqeymihii ay fuliyeen Maraykanka iyo Israel, laakiin illaa hadda ma aysan bilaabin wax weerar milatari oo ka dhan ah Israel ama Mareykanka.

Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Cabdulmaalik al-Xuuti, ayaa cambaareeyay duqeymaha oo uu ku tilmaamay “weerar aan cadaalad ahayn oo ka dhan ah dal Muslim ah,” isagoo ku baaqay taageero iyo mudaharaadyo dadweyne oo loo sameeyo Iiraan.

Kooxdan xagjirka ah ee Xuutiyiinta wali ma aysan shaacin weeraro rasmi ah.