https://www.premierbank.so/

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo Ka Digatay Faragelin Dibadeed, Fariinna U Dirtay Türkiye

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku cambaareyneyso hadallo dhawaan ka soo yeedhay Madaxweynaha Türkiye, iyadoo ku tilmaantay faragelin aan la aqbali karin oo ku wajahan arrimaha gobolka.
Qoraal ay wasaaraddu maanta baahisay ahay sheegtay in go’aamada siyaasadda dibadda ee Geeska Afrika ay tahay in ay go’aamiyaan dowladaha iyo shucuubta gobolka, iyadoo ka digtay halista ka dhalankarta.

Somaliland waxay ugu baaqday Türkiye inay ixtiraamto mabaa’diida is-qaddarinta, faragelin la’aanta, iyo madax-bannaanida aayo-ka-tashiga iyadoo adkeysay in xidhiishkeeda caalamiga ah uu yahay mid nabdoon, sharci ah, kuna dhisan rabitaanka dimuqraadiyadeed ee shacabkeeda.