Fadhigii 55-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isla markaana uu wehelinayey Madaxweyne Ku-xigeenka JSL, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Fadhigii 55-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada qodobbada lagaga wada hadlay waxa ka mid ahaa:
1) Xaaladda Abaaraha ka Jira Dalka
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Sheekh Cabdullaahi-Baashe Daahir Jaamac, ayaa Golaha Wasiirrada siiyey warbixin waafi ah oo la xidhiidha xaaladda adag ee abaaraha ka jira guud ahaan dalka. Waxa uu tilmaamay dhibaatada baahsan ee haysata dadka iyo duunyada, gaar ahaan bulshada reer miyiga ah ee xoolo-dhaqatada ah iyo dadka nugul sida carruurta, haweenka iyo waayeelka.
Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay in ay tahay waajib Diini iyo mid Qaranba in la isu naxariisto, loo gurmado lana badbaadiyo walaalaheenna ay abaaruhu saameeyeen, isaga oo ku baaqay in si degdeg ah loo bilaabo Gurmad Qaran oo midaysan.
2) Warbixinta Xaalada Amniga Dalka
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, ayaa sheegay in ammaanka guud ee dhammaan gobollada Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay mid sugan oo xasiloon, isla markaana aanay jirin khatar amni oo Qaranka halis ku ah.
3) Warbixinta Xaaladda Dhaqaalaha Dalka
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan, iyo khubaro ka tirsan wasaaradda ayaa warbixin ka siiyey Golaha.
Wasiirku waxa uu sheegay in sannadkii dhammaaday ay Wasaaradda Maaliyaddu xoojisay doorkeeda kormeer iyo isku-duwidda mashaariicda ay maal-geliyaan Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika, si loo hubiyo in hawl waliba waqtigeeda ku dhacdo, korna loo qaado isticmaalka hufan ee miisaaniyadda, loona adkeeyo isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta hay’adaha fulinaya mashaariicda.
Arrimaha muhiimka ah ee ka qayb qaatay horumarkan waxa ka mid ah:
- Hoggaamin Wasaaradeed oo adag, lehna istaraatiijiyad cad.
- Iskaashi iyo wada-tashi heer sare ah oo lala yeeshay Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika.
- Kobcin awoodeed oo gaar ahaan loo sameeyey Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha ay khusayso.
- Hirgelinta kormeer joogto ah iyo dib-u-qiimayn waxqabad oo saddex-biloodle ah.
- Samaynta iyo xoojinta hannaanka isku-duwidda.
4) Farriinta Madaxweynaha
Gabagabadii fadhiga, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Golaha u sheegay in uu magacaabayo Danjire Buuxa oo Idman oo Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiyi doona dalka Israa’iil.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Golaha u sheegay in uu xalay kulan muhiim ah la yeeshay madax-dhaqameedka Gobolka Awdal, kulankaas oo si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta is-fahamka, wada-shaqaynta iyo iskaashiga ka dhexeeya laamaha kala duwan ee Xukuumadda iyo madax-dhaqameedka, si loo sugo amniga Gobollada Awdal iyo Selel loogana hortago wax kasta oo wax u dhimaya xasilloonida iyo wada-noolaanshaha bulshada.
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa Golaha la wadaagay in uu dhawaan la kulmi doono culimada dalka.
ALLAA MAHAD LEH






