https://www.premierbank.so/

Trump Oo Xaqiijiyey Howlgallo Dagaal Oo Ka Bilowday Iran, Xiisad Cusub Oo Ka Dhex Qaraxday Mareykanka iyo Tehran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa xaqiijiyey in Mareykanku bilaabay howlgallo dagaal oo waaweyn gudaha dalka Iran, isagoo sheegay in howlgalladan la sameeyey si loo baabi’iyo khatar halis ah oo uu ku tilmaamay ka imaanaysa dowladda Tehran. 

Wararka ayaana sidoo kale xaqiijinaya in duqeymo ay fuliyeen Mareykanka iyo Israel laguna beegsaday goobo kala duwan oo Iran ah, oo ay ku jiraan caasimadda Tehran, halkaas oo qaraxyo laga maqlay waxaana la arkay qiiq cirka ka soo baxaya. 

Trump ayaa ku sheegay in howlgalladan ay yihiin qayb ka mid ah “difaacidda dadka Mareykanka” iyo in la badhtilmaameedsanayo nidaamka Iran si looga hortago hanashada hubka nukliyeerka iyo gantaallada dheer ee halista ah. 

Iran ayaa iyaduna digniin ka soo saartay inay diyaar u tahay inay jawaab celiso, iyadoo ay jirto cabsi la xiriirta in xiisaddaasi ay sii cakiranto haddii aan xal diplomasi ahi la gaarin.