Madaxweynaha Somaliland oo ka Qaybgelaya Kulan Baarlamaan oo Heer Sare ah oo ka Dhacaya London
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa lagu filayaa inuu khudbad ka jeediyo kulan baarlamaan oo heer sare ah oo ay qabanayso Westminster Africa Business Group (WABG), kaas oo 5-ta March 2026 ka dhici doona gudaha aqalka hoose ee, London.
Kulankan ayaa waxa isugu imanaya xubno ka tirsan Baarlamaanka UK, diblomaasiyiin, wasiirro, iyo hoggaamiyeyaal ganacsi, si loo xoojiyo wada-shaqaynta dhaqaale iyo maalgashi ee u dhexeeya United Kingdom iyo dalalka Afrika.
Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu madasha ku soo bandhigo horumarka Somaliland, xasilloonideeda siyaasadeed, iyo fursadaha maalgashi ee ka jira dhinacyada dekedaha, ganacsiga, tamarta, iyo kheyraadka dabiiciga ah.
Ka qaybgalka munaasabaddan calaamiga ah waxay muujinaysaa jihada istaraatiijiga ah ee Somaliland ee ku aaddan ballaadhinta xidhiidhada caalamiga ah, xoojinta iskaashiga dibadda, iyo soo jiidashada maalgashi shisheeye, gaar ahaan suuqyada UK iyo Yurub.






