https://www.premierbank.so/

Madaxweynaha Israel oo Booqasho Rasmi ah ku Tegay Addis Ababa

Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog, ayaa saaka gaadhay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, isagoo ku yimid booqasho rasmi ah. Garoonka Diyaaradaha ee Bole International Airport waxaa ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos, iyo Wasiiru Dowlaha Berhanu Tsegaye.

Inta uu joogo Addis Ababa, Madaxweyne Herzog ayaa la filayaa inuu kulan la yeesho masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya, si loo xoojiyo xidhiidhka laba geesoodka ah ee labada dal, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.

Booqashadan ayaa imaanaysa iyadoo sidoo kale bishan uu Addis Ababa booqday Madaxweynaha Turkiga, taasoo muujinaysa tartanka saameynta ee u dhexeeya Israel iyo Turkiga ee Geeska Afrika. Israel ayaa hore u aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland, halka Turkigu uu saldhigyo ciidan iyo saameyn ballaaran ku leeyahay Soomaaliya, taasoo ka dhigaysa Geeska Afrika goob ay ku loolamayaan labada quwadood.