Madaxtooyada Soomaaliya: Xasan Sheekh Maxamuud Oo Khadka Telefoonka Kula Hadlay Boqorka Urdun iyo Dowladda Qatar, Kana Hadlay Xiisadda Bariga Dhexe
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa boggeeda Facebook ku daabacday wadahadal dhanka telefoonka ah oo dhexmaray madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, boqorka dalka Urdun iyo Qatar.
“Hoggaamiyeyaashu waxa ay ka wadahadaleen xaaladda gobolka, xiisadaha iyo iskahorimaadyada milatari ee Bariga Dhexe, iyagoo muujiyey muhiimadda ay leedahay dejinta xaaladda, yareynta xiisadaha iyo xoojinta dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.” ayaa qoraalka lagu yiri.
Waxaa intaas la raaciyey in madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud uu adkeeyey mowqifka adag ee Soomaaliya ee ku aaddan garab istaagga Dowladda Qatar iyo Boqortooyada Urdun oo dowladda Iiraan kala kulmay duqeymo gardarro ah.
Qoraalka madaxtooyada daabacday waxaa sidoo lagu sheegay in madaxweynaha Xasan Sheekh bogaadiyey mowqifka carbeed ee mideysan, isagoo muujiyey in weerar kasta oo lagu qaado dhulka dalalkaas walaalaha ah uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, caqabadna ku noqonaya nabadda iyo xasilloonida mandiqadda






