Kumanaan Qof oo Ka Qaxay Akobo Kadib Markii Dowladda Koonfurta Suudaan Qorsheysay Weerar Militari
0 Comments
Kumanaan qof ayaa ka qaxay magaalada Akobo ee bariga Koonfurta Suudaan, kadib markii ciidamada dowladda ay amar ku bixiyeen in dadka rayidka ah ay si degdeg ah uga baxaan magaalada si loogu gogol xaadho weerar militari oo ay dowladdu qorshaynayso.
Akobo oo ku taalla meel u dhow xadka Itoobiya ayaa ku dhowaad madhan, iyadoo haween, carruur iyo dad waayeel ah ay u qaxeen dhanka Itoobiya.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in la maqlayo dhawaqa rasaas culus iyo qoryo darandoori u dhacaya oo soo dhowaanaya.
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in xiisaddan sii kordheysa ay khatar gelin karto nabadda jilicsan ee dalka, islamarkaana ay sababi karto in mar kale uu qarxo dagaal sokeeye oo ballaadhan.
CBATV






