Imaaraadka oo sheegay in hal qof uu ku dhintay burbur ka dib markii gantaalada Iran ay qabteen
Wasaaradda difaaca ee Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dalka lagu soo qaaday “Weerar qaawan oo ay ku lug lahaayeen gantaallada ballistic-ga ee Iran”.
“Nidaamyada difaaca hawada ee UAE waxay ula tacaaleen gantaalada si hufan waxayna si guul leh u qabteen tiro gantaallo ah,” ayay raacisay.
Si kastaba ha ahaatee, wasaaraddu waxay sheegtay in burbur uu ku soo dhacay xaafad ku taalla magaalada Abu Dhabi, kaasoo geystay khasaare nafeed, isla markaana uu dilay qof rayid ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Aasiya, kaasoo aanay magacaabin.
Waxay cambaareyneysaa weerarka sida “kordhinta khatarta ah” iyo “ficil fuleynimo”, waxayna ku nuuxnuuxsatay in Imaaraadku “uu xaq u leeyahay inuu si buuxda uga jawaabo”.
Ciidamada Cirka ee Mareykanka ayaa ka howlgala Saldhigga Cirka ee Al Dhafra, oo ku yaalla koonfurta Abu Dhabi, iyadoo ay la socdaan Ciidanka Cirka ee Imaaraadka Carabta.






