https://www.premierbank.so/

Gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ayay Iran ku weerartay Imaaraadka Carabta, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Gaashaandhigga dalkaasi.

Bayaan rasmi ah ayaa lagu sheegay in 137 gantaal iyo 209 diyaarado aan duuliye lahayn lagu soo riday dhulka Imaaraadka Sabtidii, iyadoo inta badan lagu qabtay ama lagu burburiyey nidaamyada difaaca hawada. Si kastaba, weerarka ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, toddobo kalena way ku dhaawacmeen, kadib dhacdo ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Abu Dhabi. Sidoo kale, Dubai International Airport, oo ah garoonka ugu mashquulka badan dunida marka la eego duullimaadyada caalamiga ah, ayaa la sheegay in uu saameyn ka soo gaadhay weerarka, taas oo hakad gelisay safarro badan.

Weerarkan ayaa sii xoojiyey xiisadda gobolka, iyadoo laga cabsi qabo in khilaafku isu beddelo dagaal ballaadhan oo saameeya amniga iyo dhaqaalaha Bariga Dhexe.