Degdeg: Sadex masuul oo loo xidhay tuhun musuqmaasuq, Waqooyi Bari, Kiiniya
0 Comments
Hey’adda Anshaxa iyo La Dagaalanka Musuqmaasuqa ee Kiiniya ayaa maanta gacanta ku dhigtay Xubin ka tirsan Golaha Degmada Garissa (MCA) iyo laba masuul oo hore uga tirsanaa Dowlad Hoose, kuwaas oo lagu eedeeyay wax isdaba marin lacageed oo gaadhaysa $400,000. 
Saraakiisha la soo qabtay waxaa ka mid ah:
🔹 Cabdi Ibraahim Daar – MCA Waaxda Balambala
🔹 Maxamuud Dhuuboow Korane – Agaasimihii hore ee Xisaabaadka Dowlad Deegaanka Gaarisa
🔹 Yuusuf Cali – Dhaqaalayahan sare ee Dowlad Deegaanka Gaarisa
Saddexdan ayaa maanta la filayaa in maxkamadda Gaarisa lagu soo taago eedeymo la xidhiidha lunsasho lacageed oo si been abuur ah lagala baxay miisaaniyadda degmada.






