https://www.premierbank.so/

Bilayska Jigjiga oo xidhay 480 dhalinyaro ah

Ciidamada ammaanka ee dawladda deegaanka Soomalida ayaa hawlgallo ay maalmihii u danbeeyey ka wadeen magaalada Jigjiga, waxa ay ku soo qabqabteen 480 dhalinyaro ah oo lala xidhiidhinayo in ay ka tirsanaayeen kooxo dhalinyaro ah oo khalkhal galin amni ka waday magaalada jigjiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalida.

Taliyayaasha kala duwan ee ciidamada dawlad deegaanka Soomaalida oo la hadlay warbaahinta dawladda ayaa sheegay in dhalinyaradan laga soo qabtay xaafado ka mid ah caasimada deegaanka Soomaalida ee Jigjiga, halkaas oo ay wakhtiyada habeenkii ka gaysan jireen falal budhcadnimo iyo amni darro iskugu jiray.

Madaxa ka hortaga dambiyada ee ciidanka Bilayska dawladda deegaanka Soomaalida Gaashanle Sare Deeq carab Ibraahim ayaa sheegay in dhalinyaradan gacanta lagu dhigay ay u badan yihiin kuwo ay hay’adaha ammaanku wakhtiyo hore, sidan oo kale ugu soo qabteen dembiyo kooxaysi ah, laakiin markii la sii daayey aanay ka waantoobin ee ay faraha kula sii jireen fal dambiyeedyadii hore loogu xidhay.

Gaashanle Sare Deeq Carab Ibraahim waxa uu sheegay in ay baadhitaano qoto dheer ku samaynayaan dembiyadan, sida oo kalana ay ciidamada ammaanku sii wadi doonaan hawlgalkooda ka dhan ah dhalinyarada kooxaysiga sameeya.

Hawlgalkan ay ciidamadu ku qabqabteen dhalinyaradan ayaa yimi kaddib kulan todobaadkii hore ay guddigu nabdgaliyada iyo cadaaladda dawlad deegaanku ka soo saareen go’aamo ku aaddan xaalado nabadgelyada wax u dhimaya oo ku soo kordhay caasimadda, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhalinyarada is kooxaysata.

https://www.premierbank.so/