Wararka naga soo gaadhaya Gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa ku waramaya in maleeshiyo hubaysani ay subaxnimadii Khamiista 26-ka Sabtembar, labo qof oo xoolo dhaqato ah ku dileen Deegaanka God Dhurwaa oo udhaxeeya biyo Gaduud Iyo Dhabad oo hoos taga Dagmada Cadaado.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo uu CODKA BARIGA AFRIKA la xidhiidhay ayaa ku waramaya in deegaankaas ay hadda ka taagan tahay xiisad colaadeed oo ka dhalatey dilka labada qof.
Dilkan ayaa ay wararku sheegayaan in uu la xidhiidho aano Qabiil, Mana jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ay ka soo saareen maamulka gobolka galgaduud iyo kan dowladda goboledka galmudug e deegaankaasi ka arimaya.
Dhinaca kale Xiisad u dhaxeysa laba maleeshiye beeleed ayaa lagu soo waramayaa in ay maanta ka taagantahay deegaano hoos taga magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan
Sida ay dadka deegaanku ugu warrameen CODKA BARIGA AFRIKA Xiisaddan ayaa ka dhalatay dil ay maleeshiyo hubaysani duleedka magaalada Matabaan ugu geysteen ugu yaraan 5 ruux, kaddibna ay iskaga baxsadeen goobta ay dilka ku geysteen. Arrintan ayaa abuurtay saansaan colaad sokeeye oo u dhexeysa belo ka soo kala jeeda labada dhinac ee xuduudka dawlad gobaleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug






