https://www.premierbank.so/

Xildibaanka ka tirsan Aqalka Congress-ka Mareykanka Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in xafiiskeeda uu billaabay sidii mag-dhaw lagu siin lahaa dadkii

Sida ay ciidamada Mareykanka sheegaan, duqeymaha diyaaradahaas ay fuliyaan waxaa lala eegtaa Al-Shabaab, balse waxaa jiro warar sheegayo in dad shacab ah “ay ku laayeen Soomaaliya”.
Ilhaan ayaa sheegtay in diyaaradaha aan duuliyaha saarneyn ay habeenkii oo keli ah ay howlgallada ka fuliyaan Soomaaliya, kuwaas oo mararka qaar ujeedka loogu talagalay – ee ah la dagaallanka “argigixisada” – maahee in ay dad shacab ah waxyeeleeyaan.
Waxay dalbatay in ay ka shaqeynayaan sidii arrintaas loo joojin lahaa, iyo in hadda ka dib, goobaha la bartilmaameedsanayo ay noqdaan meel si fiican loo soo hubiyay.”Waxaa mag-dhow la siinayaa dadka noloshooda ay dhibaatada u geysteen diyaaradahaas, maadaama dowlad ahaan dadkaas loo dilay, sharciga caalamiga ahna uu qabo in haddii dowlad ay dowlad kale ka disho dad masaakiin ah oo aan waxba galabsan, la siiyo magdhow”, ayay tiri Ilhaan.
Maamulka madaxweyne Trump wuxuu sameeyaa dagaal qarsoodi ah oo ka dhan ah ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya, waxayna ciidankiisa adeegsadaan diyaaradaha aanu duuliyaha saarnayn ee drone-ka iyo askar si gaar ah u tababaran, waana arrin ay dad yar oo Mareykan ah ogyihiin.
Qaar ka mid ah Soomaalida waxay aragtida Trump ee dalkooda u arkaan mid aan sal lahayn, waxayna ku doodayaan in shuruucdiisa ay dalka ka dhigeen meel aad halis u ah – waxayna sheegayaan in shacabka ay markasta dhibaato ka soo gaarto duqeynta ay drones-ka Mareykanka geysteen Soomaaliya intuu uu xilka hayay Trump.
Dagaalka afka ah ee Ilhaan iyo Trump Waxay sheegtay in Madaxweyne Trump ay “caado u tahay in marka uu waayo wax fiican oo uu maamulkiisa ka sheego uu raadiyo meelo uu dadka u jeediyo,” sida in uu u soo hadal qaado iyada ama Soomaaliya oo uu wax ka sheego.”Runtii annagu waan ognahay, Soomaaliya waa waddan dhismaya, waa waddan aan rajo fiican ka leenahay in uu meel fiican gaaro, waa waddan niyaddeena iyo qalbigeenaba ku nool. Anigana waxaan joogaa Washington, sharci dejiye ayaan ahay, go’aankeyguna wuxuu yahay in aan ku dadaalo sidii aan qof takooran uga noqon lahayn sharciyada annaga dhaawac noo geysanaaya oo uu isagu wato”, ayay tiri Ilhaan.

https://www.premierbank.so/