https://www.premierbank.so/

Xildhibaan Nacnac oo madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyey in uu dadka qaybinayo

Xildhibaan
Ahmed diiriye nacnac oo kamida mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ayaa
madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyey in uu wado qorshe
uu ku qaybinaayo bulshada somaliland.

Xildhibaan
Nacnac ayaa ka hadalayey aragtidiisa odhaahdii hadal haynta badan reebtay ee uu
madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku sheegay in dadka deggen goballada galbeedka
Somaliland ay ka xasilooni iyo aqoon badan yihiin kuwa bariga.

Xildhibaanka
oo 26 ka Feeberweri si gaar ah ula hadlay codka Bariga Afrika ayaa sheegay in
hadalkaasi aanu ahayn kii ku habboonaa in uu ka soo baxo debnaha madaxweynaha.
Waxa aanu farriin ku aaddan u diray bulshada Bariga Somaliland.

Waxa
kale oo uu xildhabaanku ka hadlay shirweynaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE
oo uu muddo aad u dheer ka tirsanaa, laakiin mar dambe ka tegey. Waxa uu
sheegay in ay wax laga xumaado tahay in ay wax laga xumaado tahay in xisbigu uu
kharash badan ku bixiyo shirweynihiisa xilligan oo ay jiraan dad badan oo baahi
nololeed oo adagi soo waajahday.

Xildhibaan
Nacnac waxa uu madaxweyne Biixi ku eedeeyey in wax u qabashada dadkii soo doortay
uu kaga mashquulay dhismaha madaxtooyo cusub oo uu sheegay in ay ku baxayso 40
illaa 80 milyan oo doolar.

Ugu
danbayna xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac waxa uu shacabka Somaliland ugu baaqay
inay meel uga soo wada jeestaan cid kaste oo dhibaato ku keenaysa qaranimada
iyo midnimada Somaliland.

https://www.premierbank.so/