Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL Oo Booqasho Ku Tegay Deegaanka Laasgeel Isaga Oo Weheliyaan Wafti Faransiis Ah
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa booqasho rasmi ah ku tegay deegaanka taariikhiga ah ee Laasgeel, isaga oo ay wehelinayeen wafti ka socday dalka Faransiiska, kuwaas oo uu hoggaaminayay Safiir-ku-xigeenka Faransiiska u fadhiya dalka Kiiniya, Mudane Romain Joly.
Munaasibad kooban oo lagu daah-furayay Mashruuca “Protection and Promotion of Somaliland’s Cultural and Archeological Heritage: Ilaalinta iyo Horumarinta Dhaxalka Dhaqanka Somaliland”, oo ay maalgelinayso Dawladda Faransiisku, isla markaana ay iska kaashan doonaan Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka dhacday deegaanka Laasgeel. Munaasibaddaasi waxa ka soo qaybgalay Safiir-ku-xigeenka Faransiiska, xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada, masuuliyiin ka socday Degmada Berbera, odayaal dhaqameed iyo bulshada deegaanka.
Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Degmada Berbera, Mudane Axmed Haybe, iyo odayaasha deegaanka, kuwaas oo dhammaantood soo dhaweeyay mashruucan, iyaga oo xusay doorka uu ka qaadanayo horumarinta dalxiiska iyo ilaalinta goobaha taariikhiga ah ee dalka.
Sidoo kale, waxa munaasibadda ka hadlay madaxa mashruuca, Mr. Tirsten, oo faahfaahin ka bixiyay ujeeddooyinka, marxaladaha iyo faa’iidooyinka uu mashruucu u leeyahay bulshada iyo dalxiiska Somaliland.
Gebogabadii, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL ayaa ka hadlay muhiimadda mashruucani u leeyahay horumarinta dalxiiska iyo dhowrista dhaxalka dhaqanka Somaliland, isaga oo carrabka ku adkeeyay in wasaaraddu ka go’an tahay ka jawaabidda baahiyaha deegaanka iyo la shaqaynta saaxiibada caalamiga ah






