https://www.premierbank.so/

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland oo Kulan la Qaatay Dhalinyarada Maqalka Naafada ka ah ee Awdal iyo Maroodi-jeex

Hargeysa – Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL, Md. Axmed Yaasiin Maxamed Faarax, oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Md. Cabdillaahi Maxamed Maxamuud (Jiidhe), ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay dhalinyarada aqoonyahanka iyo ciyaartoyda maqalka naafada ka ah ee ka kala yimid gobollada Awdal iyo Maroodi-jeex.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa ka qayb-galka dhalinyarada maqalka naafada ka ah ee ku nool dalka, gaar ahaan sidii loo horumarin lahaa ka mid noqoshadooda hawlaha wasaaraddu qabato.

Intii kulanku socday, waxa la isla meel dhigay qodobbadan muhiimka ah:

  1. In tartanka gobollada loo furo dhalinyarada maqalka naafada ah si ay uga qayb qaataan si siman.
  2. In xafladda todobaadka Dhagoolayaasha Adduunka loo qabto tartan gaar ah oo hal maalin ah.
  3. In shaqaalaha Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaruhu la baro luuqadda suul-dhabaalaynta (Sign Language), si loo fududeeyo is-fahamka iyo adeegyada.
    Kulankan ayaa muujinaya dadaalka wasaaraddu ugu jirto in dhalinyarada naafada ahi helaan fursado sinaan iyo ka qaybgal buuxa ku dhisan.