https://www.premierbank.so/

Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Soomaliland ayaa Sheegtay in la fasaxayo dugsiyada dalka laga bilaabo 13/4/2021-ka ilaa iyo 3/7/2021-ka.

Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska JSL oo raacaysa go’aamada guddigga heer qaran ee ka hortaga xanuunka COVID19 ayaa maanta soo saartay wareegto lagu fasaxayo dugsiyada dalka laga bilaabo 13/4/2021-ka ilaa iyo 3/7/2021-ka.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Jamhuuriyadda Somaliland oo ay wehelinayeen wasiir kuxigeenka Axmed Xasan Nuur, agaasimaha guud ee WW&S Axmed Abokor Maxamed iyo guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka JSL Daa’uud Axmed Faarax oo saxaafada la hadlay ayaa ka xog waramay arrimahaas iyo talaabooyin kale oo ay wasaaradda waxbarashadu kaga hor tagayso faafitaanka xanuunka COVID19 oo dhibaato caafimaad ku haya bulshada.

https://www.premierbank.so/