https://www.premierbank.so/

Ugaas C/Risaaq oo dhaliilay Madaxda Somaliland ee ka qaybgala Xafladaha Ardayda

Mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Somaliland ayaa dhaliilay masuuliyiinta dawladda iyo xisbiyada mucaaradka, siyaasiyiinta iyo madax dhaqameedka oo uu sheegay in ay caadaysteen in munaasabadaha qalinjebinta ardayda iyo jaamacadaha ay ka jeediyaan hadallo siyaasadeed xanaf leh oo ay isku weerarayaan. Arrintaas oo uu ku tilmaamay wax aan loo dulqaadan karin ayuu sheegay in ay dhaawacayso damiirka da’yarta dalka wax u soo bartay.

Ugaas Cabdirisaaq oo khamiista 26-ka Sabtembar CODKA BARIGA AFRIKA la hadlay ayaa sheegay in masuuliyiintani marka ay munaasabadaha noocan ah ka qaybgalaan doorka keliya ee u furani uu yahay in ay ardayda dhiirrigeliyaan, kuna baraarujiyaan higsigooda mustaqbalka, isaga oo uga digay in aanay naxli iyo qabyaalad ku abuurin  dhalinyarta dalka. Sida uu hadalka u dhigay.

Dhinkaca kalana Ugaasku waxa uu xukuumaddii madaxweyen Axmed Siilaanyo ku eedeeyey masuuliyadda wareejintii hawada Soomaaliya ee maamulkeeda loo dhiibay dawladda Soomaaliya. Isaga oo intaas ku daray in xukuumaddii Siilaanyo ay sidaas oo kale u wareejisay baddii iyo hantidii ay umaddu lahayd. Sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca Kalana Ugaasku waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Baaqay Inuu Sharcigu Sareeyo, oo isaga oo aan cidna ka habranayn uu farta ku fiiqo dadka Nabadgalyo Darada Abuuraya Ama Duulimaad Ku Ah Qaranka Somaliland, oo ay tahay in uu sharciga hor keeno.