Telesom iyo Jaamacadda Camuud oo Boorama ku qabtay Shir Caalami ah oo ku saabsan Cilmiga Xogta iyo Horumarka Waara
Caalam ay xogtu lama huraan u tahay hab-maamulka, jiritaanka iyo horumarka haayad kasta, waxa ay maanta shirkadaha Telesom Group magaalada Boorama kaga qaybgaleen shirka caalamiga ah ee “iswaafajinta Cilmiga Xogaha iyo Horumarka Waara,” oo afka Ingiriisiga ku noqonaya “International Conference on Data Science for Sustainable Development.”
Shirkan oo ay soo qabanqaabisay jaamacadda Camuud, waaxda Cilmi-baadhista, waxaa maalgelintiisa lahayd shirkadda Telesom Group. Waxyaabaha lagaga doodayo waxaa ka mid ah habka ay isticmaalka xoguhu u horumarin karaan tayada waxbarashada iyo casriyaynta manhajka.
Waxaa intaas dheer in shirkan lagaga hadli doono doorka ay isticmaalka xoguhu ka qaataan dawled-wanaagga, gaadhista go’aammada muhiimka ah ee haayadaha kala duduwan, koboca dhaqaalaha, hal’abuurka ganacsi, hal’abuurka tignoolajiyadeed iyo guud ahaan horumarka ummadeed.
Waxa kale oo intaas raaci doona muhiimadda weyn ee uu isticmaalka xoguhu u leeyahay u-diyaargarowga isbeddelka cimilada, maaraynta khayraadka dabiiciga ah, ka-warhaynta korodhka iyo hoos-u-dhaca xanuunada kala duduwan iyo diwaangelinta xaaladda caafimaad ee guud ahaan bulshada dalkan ku dhaqan.
Shirkadda Telesom oo ah hormuudka shirkadaha isgaadhsiinta dalka, waxaa ka go’an inay hormuud ka noqoto dedaallada loogu jiro helitaanka aqoonta iyo tignoolajiyadda ugu horumarsan ee caalamka maanta la jaanqaadi karta.
Gabogabadii, Shirkadda Telesom iyada oo ka faa’iideysanaysa cilmiga xogta, waxay door muhiim ah ka qaadataa hirgelinta yoolalka ay ku qotonto aragtida Horumarka Waaraa, kuwaasi oo ay ka mid yihiin helitaanka waxbarashada, fahamka xaaladaha caafimaad ee dalka ka jira, iskuxidhka bulshada iyada oo la isticmaalayo caalamka dhijitaalka, gaadhsiinta adeegyo uu qofku dhaqaalihiisa shakhsiga ah iyo kuwa ganacsigiisa ba ku maarayn karo, taasi oo kor u qaadda dakhliga bulshada iyo kor-u-qaadista heerka akhriska ee bulshada maaddaama oo qof kasta oo isticmaalaya adeegyada Telesom uu u baahan yahay inuu ugu yaraan wax akhriyi karo.




























