Shir Gaar ah oo Lagu Adkaynayo Wada Shaqaynta Dawladda Hoose iyo Booliska Caasimadda oo ka Dhacay Degmada Maxamuud Haybe
Hoolka xarunta Degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa ayaa maanta lagu qabtay shir gaar ah oo ay soo abaabushay Waaxda Nabadgelyada ee Dawladda Hoose ee Hargeysa, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqaynta iyo is-dhexgalka taliyayaasha cusub ee saldhigyada booliska iyo masuuliyiinta dawladaha hoose ee caasimadda.
Shirka waxa ka soo qaybgalay Taliye Ku-xigeenka labaad ee Ciidanka Booliska JSL, labada Taliye Qaybeed ee gobolka Maroodi-Jeex, Agaasimaha Amniga Caasimadda Hargeysa, iyo taliyayaasha saldhigyada booliska ee magaalada.
Intii uu socday shirka waxa si qoto dheer loogu falanqeeyey arrimo la xidhiidha amniga magaalada iyo sida loo xoojin karo wada shaqaynta ka dhaxaysa ciidanka booliska iyo maamulka dawladaha hoose. Dawladda hoose ayaa qaadday ballanqaadyo la xidhiidha talooyinkii ciidanka booliska, halka booliskuna ay dhinacooda muujiyeen diyaar garow buuxa oo ku saabsan fulinta waajibaadkooda wada shaqayneed.
Shirkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo nabadgelyada caasimadda Hargeysa iyo kor u qaadidda adeegyada bulshada.






