https://www.premierbank.so/

Sawirro: Wadaamagoo – Kormeerka Xafiiska Komishanka Xuquuqul Aadamaha Qaranka ee Gobolka Saraar

Xafiiska Komishanka Xuquuqul Aadamaha Qaranka ee gobolka Saraar ayaa kormeer shaqo ku tagay Saldhigga Dhexe ee degmada Wadaamagoo.

Ujeeddada kormeerkan ayaa ahayd in lagu qiimeeyo xaaladda xuquuqda aadamaha ee dadka ku jira saldhigga, adeegyada aasaasiga ah ee ay helaan, iyo sidoo kale duruufaha shaqo ee ciidamada halkaas ka hawlgala.

Intii uu socday kormeerku, Komishanku wuxuu kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha saldhigga, isagoo kala hadlay sidii loo xoojin lahaa ilaalinta xuquuqda dadka ku xiran saldhigga iyo kor u qaadista adeegyada saldhigga.

Komishanku wuxuu ku bogaadiyay saraakiisha dadaalka ay bulshada u hayaan, isagoo xusay in ilaalinta xuquuqda aadamaha ay tahay waajibaad sharci iyo mid bini’aadamnimo, loona baahan yahay in si joogto ah loo ilaaliyo.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah hawlaha joogtada ah ee uu Komishanka Xuquuqul Aadamaha Qaranku ku hubinayo in muwaadiniinta lagu hayo xarumaha saldhigyada ay helaan xuquuqdooda iyo daryeelka ay u baahan yihiin.