https://www.premierbank.so/

Roobab badan oo wiigan loo saadaalinayo Somaliland

Xafiiska Sadaasha Hawada Ee Wasaaradda
Horumarinta Beeraha Jamhuuriyada Somaliland Ayaa ka digay roobab waaweyn la
filayo in ay Oktoobar 16-keeda ka da’aan qaybo ka mid ah goballada Bariga
Somaliland.

Hay’addu waxa ay warbixinteeda ku sheegtay
in xogaha ay helaysaa ay muujinayaan in roobabkaas laxaadkooda laga filan karo
deegaannada ay ka mid yihiin Ballidhiig, Laasadacawo, Ceerigaabo, Laascaanood
iyo Xudun. Waxa aanu roobku ugu sii kala badnaan doonaan sida ay u kala
horeeyaan. Iyada oo dhammaan goballada Somaliland laga filayo roobab intii
caadiga ahayd ka badan, gaar ahaan dhulka oogada ama hawdka loo yaqaanno.

Warbixintu waxa ay ka digtay in roobabka
la filayaa ay sababi karaan daadad xoog badan oo khasaare geysta.

Hay’adda saadaasha hawada ee wasaaradda
horumarinta Somaliland waxa ay muwaadiniinta kula talisay in ay ka fogaadaan
deegaannada jooggoodu hooseeyo iyo biyo mareennada.

Warbixinta ay hay’addu soo saartay khamiista
10-ka Oktoobar, waxa ay sida oo kale ku sheegtay in roobabka Karanta loo yaqaanno
ee guud ahaanba Somaliland ka da’ay bilihii Julay illaa Oktoobar ee sannadkani
ay ka badnaayeen intii hore looga bartay.

https://www.premierbank.so/