Qoysas burburka ayaa keena darbi-jiifnimada- Wasiir Hinda
Wasiirka Wasaaradda shaqo-gelinta, qoyska iyo arrimaha Bulshada ee jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in burburka ku yimaadda qoysaska iyo in ilmuhu uu ku koro goobaha lagu cabo laguna cuno daroogada iyo Maandooriyayaasha kala duwani ay yihiin labada sababood ee ugu badan ee carruurta Somaliland ku keena in ay darbi-jiif noqdaan.
Wasiir Hinda waxa ay sheegtay in muddooyinkan dambe ay soo badanayaan burburka ku yimaada Qoysasku, wasaaraddeeda oo arritnaas ka duulaysaana ay gudoomiyaha maxkamadda sare, u qortay warqad ay kaga codsanayso in ay wasaaraddu goob joog ka noqoto maxkamadda degmada, gaar ahaana waaxda xalinta khilaafaadka qoyska. Iyada oo sheegtay in shaqaale wasaaradda ka tirsan oo maxkamadaas ka hawlgalaa ay dadaalo xoogan u galaan sidii ay u xalin lahaayeen khilaafaadka qoyska ka hor inta aanay kiiskoodu u gudbin maxkamadda degmada sida ay hadalka u dhigtay.
Wasiirka ka hadlaysay barnaamij ka baxa talefishanka qaranka ee Somaliland ayaa mar ay ka hadlaysay dhibaatooyinka ay shaqaalaha Ajaanibka ahi ku hayaan Shaqaalaha Muwaadiniinta, waxay sheegtay In sanadkan 2019 ay dalka aad ugu soo baateen shaqaalaha ajaanibka ah, oo tiradoodu ay gaadhay kun 847 ruux oo shaqaale ah, halka sannadkii hore ee 2018 ka ay tirada shaqaalaha shisheeyaha ah ee Somaliland joogaa ay ahayd 356 ruux oo keliya.
Laakiin wasiir Hinda Gaani waxa ay sheegtay in marka uu shaqaalaha shisheeyaha ah ee dalka jooga ka dhaco fiisaha shaqo iyo heshiiska ay kula jiraan shirkadaha ay u shaqeeyaan in dawladdu ay dalka ka saari doonto, dibna aan loogu ogolaan doonin in loo cusboonaysiiyo.