https://www.premierbank.so/

Qiimaha Dahabka iyo Qalinka oo Si Weyn Hoos ugu Dhacay Kadib Magacaabista Kevin Warsh ee Musharraxa Guddoomiyaha Federal Reserve

Qiimaha dahabka iyo qalinka (silver) ayaa si weyn hoos ugu dhacay suuqyada caalamka, kadib markii Kevin Warsh loo magacaabay musharraxa Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Maraykanka, ee loo yaqaan Federal Reserve.

Wararka ayaa sheegaya in dahabku hoos u dhacay qiyaastii 12 boqolkiiba, halka qalinkuna uu hoos u dhacay ku dhowaad 32 boqolkiiba, marka loo eego heerarkii ugu sarreeyay ee uu gaadhay toddobaadyadii la soo dhaafay.

Hoos u dhacaasi waxaa falanqeeyayaashu ku sababeeyeen isbeddelka laga filayo siyaasadda lacagta Maraykanka, maadaama Kevin Warsh uu caan ku yahay aragti adag oo la xiriirta xakamaynta sicir-bararka iyo siyaasadda dulsaarka.

Khubarada dhaqaaluhu waxay tilmaamayaan in magacaabistan ay dib u habaysay filashooyinkii maalgashadayaasha, taas oo si toos ah u saamaysay suuqyada dahabka iyo qalinka.

Arrintan ayaa sidoo kale jawaab u noqotay dood hore u taagnayd oo ku saabsan muhiimada aqoonta sare ee dhaqaalaha, gaar ahaan shahaadooyinka sida PhD-da, iyadoo isbeddelka suuqu muujinayo in aragtida iyo aqoonta hoggaamiyaha bangiga dhexe ay saamayn toos ah ku yeelan karto dhaqaalaha caalamka.