https://www.premierbank.so/

Qarax sigay Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya

Qarax lala beegsaday kolonyo
gaadiid ah oo uu la socday guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee
ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa ka dhacay duleedka magaalada
Muqdisho.

Guddoomiye Cali Nuur Shuute iyo
saraakiil ka tirsan ciidanka qalabka sida oo la socotay ayaa la sheegay in ay
ka yimaaddeen saldhig ciidanka dawladdu uu ku leeyahay deegaanka Ceel Saliini
ee duleedka Marka, halkaas oo ay dhowaan weerar khasaare geystay k uqaadeen
xoogagga Alshabaab.

Wararka uu CODKA BARIGA AFRIKA
helayo ayaa sheegaya in guddoomiyaha maxkamaddu uu ka badbaaday qaraxaas oo
aanay waxba ka soo gaadhin, laakiin weli lama hayo warar sugan oo xaqiijinaya
inta uu le’egyahay khasaaraha kale ee ka dhashay qaraxa iyo in ay jiraan dad ku
waxyeelloobay.

Dhinkaca kalana qarax labaad oo
khasaare dhimasho iyo dhaawac ah geystay ayaa subaxnimadii arbacada 25-ka
Sebtamber ka dhacay xaafadda Taleex ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Wararka
ka soo baxaya qaraxaas ayaa sheegaya in uu ahaa miino la dhigay waddada
dhinaceeda,  oo lala beegsaday saraakiil
ka tirsan ciidanka oo markaas marayey jidka.

Goobjoogayaal
Ayaa Tvga Codka Bariga Afrika U Sheegay In Qaraxaas Ay Ku Geeriyoodeen Saddex Askari
Oo Saarnaa Gaadhiga Qaraxa Lagu Weeraray, Halka Laba Qof Oo Shacab Goobta Ka Dhowaa
ahina Ay Ku Dhaawacmeen.

https://www.premierbank.so/