Maxaadka ogtahay Dagaalkii kunka maalmood, Musiibo ay ku nafwaayeen inkbadan 120,000 oo reer Kolanbiya ah?Dagaalkii Kunka Maalmood (1899–1903).
Dagaalkii Kunka Maalmood wuxuu ahaa dagaal sokeeye oo ka dhacay Kolombiya intii u dhaxaysay sannadihii 1899 ilaa 1903, waxaanu dhex maray Xisbiyada Liberal iyo Conservative. Dagaalkaas wuxuu sababay dhimashado u dhaxaysa 60,000 illaa 130,000 qof, burbur hantiyadeed oo aad u ballaadhan, iyo dhaqaalihii qaranka oo gabi ahaanba dumay.
Xisbiga Liberal wuxuu matalayay beeraleyda bunka iyo ganacsatada ka shaqaysa soo dejinta iyo dhoofinta badeecadaha, kuwaas oo taageersanaa siyaasad dhaqaale oo “laissez-faire” ah taasi faragelin aay faragalin dawladdu. Markii ay Conservatives-ku ku guuleysteen doorashadii 1885, Liberal-ka waxaa laga saaray awooddii siyaasadeed, arrintaasi waxay sababtay hoos u dhicii weynaa ee qiimaha bunka caalamka, taas oo keentay in beeraley badan ay khasaaraan markii la gaadhay 1899.
Dowladdii Conservative-ku soo dhiseen, oo dhibaato dhaqaale ka haysatay hoos u dhaca dakhliga kastamyada, waxay bilowday inay soo saarto lacag warqad ah oo aan dahab ama hanti kale ku xidhneyn. Tani waxay keentay in qiimaha peso-ga si xawli ah hoos ugu dhaco.
Dagaalku wuxuu ka qarxay gobollada bunka laga beero sanadkii 1899-kii. Weerarkii ugu horreeyay ee dagaalka oo socday ku dhawaad toddoba bilood ayaa ku dhammaaday guuldarro soo gaartay Liberal-ka dagaalkii Palonegro ee 25-kii May 1900.
Labadii sano iyo badh ee ku xigay, dagaal kudhufo oo kadhaqaaq ah ayaa ka socday meelaha miyiga. Waxaa dhacay burbur dhaqaale oo aad u weyn, dad badanna waxay u dhinteen dagaal iyo cudurro.
Markii dowladda Conservative-ka ay ku guulaysan weyday inay dalka dajiso islamrkaana ay soo dhisto dawlad,ciidan iyo xarumaha dawladda waxay 12-kii Juun 1902 soo bandhigtay cafis guud iyo isbeddel siyaasadeed. Bishi November, labada hoggaamiye ee ugu weynaa xisbiga Liberalka Rafael Uribe Uribe iyo Benjamín Herrera waa ay is dhiibeen waxaanay galeen heshiisyo nabadeed oo ay ku ballanqaaday cafis, doorashooyin xor ah, iyo dib-u-habeyn dhaqaale iyo siyaasadeed.
Intaasi wixii ka danbeeyay, Panama ayaa ka go’day Kolombiya waxyar kadib dhammaadka dagaalka.






