https://www.premierbank.so/

Magaalada Longyearbyen ee dalka Norway oo ay ku nool yihiin dad lagu qiyaasay laba kun oo qoys ayaa ah magaalo ka duwan magaalooyinka kale ee dalkaas.

Magaalada Longyearbyen ee dalka Norway oo ay ku nool yihiin dad lagu qiyaasay laba kun oo qoys ayaa ah magaalo ka duwan magaalooyinka kale ee dalkaas.
Waa jasiirad ku taala bartamaha dalka Norway oo qofkii ku xanuunsadaa uu ku qasban yahay in uu magaalada isaga baxo ama haddii uu ku dhinto aanan lagu aasi karin magaaladaas. Dadka naf-qabadka ayaa loo diraa magaalooyinka kale ee Norway, si ay ugu geeriyooda, waxaana jira sharci ah in haddii qof uu ku dhinta aysan cidna xabaali karin.
Sharcigan ayaa magaaladas ka dhaqan galay inkabadan 80 sano kahor, waxaana sanadkii 1918 albaabada la isugu dhuftay xabaalaha magaalada oo dhan.
Longyearbyen oo ah magaalo aad u qabow, inteedana badanna baraf ah ayaa mararka qaar waxaa dhacda in qabowga uu gaaro -50 oo ah qabow xad-dhaaf ah.
Maxay tahay sababta aanan loogu aasin meydka?

https://www.premierbank.so/