https://www.premierbank.so/

Madaxweyne Masar oo kulmiyey Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kiiniya

Madaxweynaha dalka Masar Cabdifataax Siisi ayaa magaalada
New York kulan isugu keenay madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya, mudane
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo mudane Uhuru Kenyatta.

Kulankan oo uu qaban qaabadiisa lahaa ururka Midowga Afrika
oo uu guddoomiyenimadiisa kaltanka ah hadda hayo madaxweynaha Masar, waxyaabaha
xoogga lagu saaray waxaa ka mid ahaa in caadi lagu soo celiyo xidhiidhka labada
dal oo muddo xumaa.

War ka soo baxay madaxtooyada soomaaliya ayaa lagu sheegay
in kulankan uu labada dal ku dhex jiray madaxweyne Siisi, la iskula qaatay in
xidhiidhka Kenya iyo Soomaaliya dib loogu soo celiyo halkii uu taagnaa bishii
Labaaad ee sannadkan oo ahayd intii aanay xaaladdu sii xumaan, lana qaado
tallaabooyin diblumaasiyadeed oo lagu dhisayo kalsoonida Soomaaliya iyo Kenya.

Villa Soomaaliya waxa ay warkan ku sheegtay in
madaxweyneyaashu ay ku heshiiyeen in labada dal ay dhisaan guddi wadajir ah oo
ka shaqaysa ka midho dhalinta is-afgaradka haatan la gaadhay. Waxa aanay intaas
ku dartay in dawladda Federaalka Soomaaliya ay ku adkaysatay in kiiska la
xidhiidha xuduudka badda ee labada dal loo daayo maxkamadda cadaaladda
adduunka, taas oo la isku waafaqay.

Warka ka soo baxay Villa Soomaaliya waxa kale oo uu sheegay
in kulankan lagu guddoonsaday in labada dalba ay ka dheeraadaan wax kasta oo
keeni kara in la sii kala fogaado, isla markaana dadaalka la isugu geeyo sidii
looga adkaan lahaa kooxaha xagjirka. Sida warka lagu sheegay.

Maxkamadda Caalamiga
ah ee ICJ ayaa afarta bisha Kow iyo tobnaad u muddaysay bilowga dhegeysiga
dacwadda ay dawladda Soomaaliya ka geysay dalka Kenya oo sheeganaya qaybo ka
mid ah badda Soomaaliya.

https://www.premierbank.so/