Madaxweyne Masar oo kulmiyey Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kiiniya
Madaxweynaha dalka Masar Cabdifataax Siisi ayaa magaalada New York kulan isugu keenay madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya, mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo mudane Uhuru Kenyatta.
Kulankan oo uu qaban qaabadiisa lahaa ururka Midowga Afrika oo uu guddoomiyenimadiisa kaltanka ah hadda hayo madaxweynaha Masar, waxyaabaha xoogga lagu saaray waxaa ka mid ahaa in caadi lagu soo celiyo xidhiidhka labada dal oo muddo xumaa.
War ka soo baxay madaxtooyada soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulankan uu labada dal ku dhex jiray madaxweyne Siisi, la iskula qaatay in xidhiidhka Kenya iyo Soomaaliya dib loogu soo celiyo halkii uu taagnaa bishii Labaaad ee sannadkan oo ahayd intii aanay xaaladdu sii xumaan, lana qaado tallaabooyin diblumaasiyadeed oo lagu dhisayo kalsoonida Soomaaliya iyo Kenya.
Villa Soomaaliya waxa ay warkan ku sheegtay in madaxweyneyaashu ay ku heshiiyeen in labada dal ay dhisaan guddi wadajir ah oo ka shaqaysa ka midho dhalinta is-afgaradka haatan la gaadhay. Waxa aanay intaas ku dartay in dawladda Federaalka Soomaaliya ay ku adkaysatay in kiiska la xidhiidha xuduudka badda ee labada dal loo daayo maxkamadda cadaaladda adduunka, taas oo la isku waafaqay.
Warka ka soo baxay Villa Soomaaliya waxa kale oo uu sheegay in kulankan lagu guddoonsaday in labada dalba ay ka dheeraadaan wax kasta oo keeni kara in la sii kala fogaado, isla markaana dadaalka la isugu geeyo sidii looga adkaan lahaa kooxaha xagjirka. Sida warka lagu sheegay. Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayaa afarta bisha Kow iyo tobnaad u muddaysay bilowga dhegeysiga dacwadda ay dawladda Soomaaliya ka geysay dalka Kenya oo sheeganaya qaybo ka mid ah badda Soomaaliya.






